AF-SOOMAALI

Muxuu uga dhiggan yahay dowladda Xariga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame


Dowladda Soomaaliya oo dhawaan la filayo in ay sanad jirsato ayaa bilihii ugu danbeeyayba wajaheysay mucaaraddad xooggan oo uga imanayay siyaasiyiin iyo xildhibaanno is baheystay oo dhaliilo is daba joog ah u jeedinayay siyaasadda dowladda, iyadoo dhinaca kalana ay soo baxayeen warar sheegaya in uu jiro mooshin ka dhan ah mas’uuliyiinta sar sare oo la diyaarinayo.

Taa badalkeeda dowladda federaalka waxaa ay in badan ku howlaneyd sidii ay Idhaha bulshada uga sii jeedin laheyd Siyaasiyiinta mucaaradsan waxaana jiray kulamo is daba joog ah oo lagu soo bandhigayay wax qabadka dowladda muddadii koobneyd oo ay jirtay.

Laakiin hadda waxaa muuqata in xaaladu ka soo gudubtay Shirar la qabto iyo Warar leysku mariyo qeybaha kala duwan ee Warbaahinta kaddib markii Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir faray maalintii shalay laamaha Amniga in ay waajibaadkooda shaqo gutaan, isaga oo ka dalbaday guddoonka baarlamaanka in Xasaannada lagala noqdo labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka si sharciga loo horgeeyo isaga oo ku eedeeyay danbiga ah ‘’Qaran Dumis’’

Isla xalay ciidamada dowladda ayaa weerar culus ku qaaday Hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan dowladda waxaana la sheegay in weerarkaasi lagu dilay ku dhawaad 6 Askari oo ilaalo ka ahaa Guriga Siyaasiga.

Sidoo kale goob joogayaal ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadu Xabsiga u Taxaabeen C/raxmaan C/shakuur oo dhaawac ah, waxaana haleeshay mid ka mid rasaastii leysku weydaarsanayay gudaha Guriga.

Talaabooyinkan is xig xigay oo ay dowladdu qaadday ayaa la oran karaa waa mid ugu yaraan ay fariin culus ugu direyso siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ka soo horjeeda si ay u qaboojiso mucaaraddada xooggan ee uga imanaya.

Laakiin Aragtiyo kale ayaa qaba in dowladdu uga wanaagsaneyn laheyd Weerarka in Xariga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur u marto Hay’addaha Garsoorka iyo laamaha Amniga loogana yeero Maxkamadaha dalka.

Ma jiro wali wax War ah oo ka so baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo la xiriira Weerarka xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Xariga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo horay xilal uga soo qabtay dalka kana mid ahaa musharixiintii u tartantay doorashadii madaxweynaha ee sanadkan 2017da.