GLOBAL NEWS

Muwaadinkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo loo doortay Baarlamaanka Canada


AXMED Xuseen oo u tartamayay xisbiga Liberal ayaa noqonaya muwaadinkii ugu horreeyay oo Soomaaliyeed oo ku guuleysta taariikhda doorashooyinka baarlamaanka dalka Canada, iyadoo laga soo doortay xaafadda York South-Weston ee magaalada Toronto.

Axmed ayaa ka adkaaday murashaxii laga soo dooran jiray xaafadda laga soo doortay oo lagu magacaabo Mike Sullivan oo ka tirsanaa xisbiga NDP. Inkastoo ay hareen labadii murashax ee kale ee Soomaalida ahaa ee tartanka ka qayb-qaadanayay.

Soomaalida ku nool waddanka Canada ayaa aad ugu riyaaqay guusha uu Axmed ka gaaray doorashada baarlamaanka, iyagoo u arkaya guushiisa inay horseedayso inay baarlamaanka dalka Canada cod ku yeeshaan markii ugu horreysay taariikhda.

“Tani waa guul-weyn oo u soo hoyatay Soomaalida-Canada ku dhaqan, waana maalin aan xusuusan doonno,” ayuu yiri Mahad Shaafici oo ah ganacsade Soomaaliyeed oo magaalada Ottawa ku nool.

Xisbiga laga guuleystay ee Conservative-ka ayaa ahaa xisbi kazoo horjeeda qoxootiga ku nool dalka Canada, isagoo soo saaray sharci dhigaya in dhallashada laga qaado qofkii lagu helo inuu faraha kula jiro falal argagaxiso.

Sidoo kale, xisbiga Conservative-ka ayaa wuxuu kasoo horjeeday niqaabka ay haweenka muslimiinta ah xirtaan, isagoo ku tilmaamay arrin jaahilnimo ah oo muddo fog jirtay, isla marakana aan raad ku lahayn diinta Islaamka, tasoo keentay in muslimiin badan ay kasoo qayb-galaan doorashooyinka Canada, iyadoo la sheegay in arrinta niqaabka ay sabab weyn u tahay guul-darradii ku dhacday xisbiga Conservative-ka.

Xisbiyada NDP iyo Liberal ayaa aad uga soo horjeestay go’aanka xisbiga Conservative-ku ku diiday niqaabka ay qaataan haweenka muslimiinta ah, iyagoo ku tilmaamay falkaas mid fool-xun oo ka dhan ah haweenka muslimiinta.

Doorashooyinka baarlamaanka Canada ayaa waxaa 185-kursi oo kuraasta baarlmaaanka dalkaas ka mid ah ku guuleystay xisbiga Liberal-ka oo uu ka tirsan yahay, Axmed Xuseen oo ah Soomaaliga, iyadoo xisbigaan uu sannadka soo socda hoggaamin doono Canada.

Nasiib-darro labadii murashax ee kale oo Soomaali ahaa; Faisal Hassan oo u tartamayay xisbiga NDP iyo Abdi Abdul oo u tartamayay xisbiga Conservative ayaa ku guul-dareystay doorashada baarlamaanka Canada.

Ugu dambeyn, Axmed Xuseen ayaa ku dhashay kuna barbaaray Soomaaliya, isagoo dalka Canada galay sannadkii 1993-kii, wuxuuna waxbarashadiisa Jaamacadeed ku dhameystay Jaamacadda Ottawa, isagoo ah qareen bulshada si aad ah uga dhex-muuqday isagoo madax kasoo noqday ururka bulshada Soomaalida Canada ee Somali Community Organization