AF-SOOMAALI

Muuse Suudi 0o ku guuleystay kursigii saddexaad xubnimada aqalka sare ee maamulka Hirshabeelle


Iyadoo wali magaalada Jowhar ay ka socto doorashada xubnaha aqalka sare ku matallaya, ayaa kursigii afraad xubnimada aqalka sare waxaa ku guuleystay Muuse Suudi Yalaxoow.

Muuse Suudi ayaa ku guuleystay 91 cod, halka xildhibaankii la tartamayay oo lagu magacaabo Xassan Cali Caadle uu hellay 4 cod, waxaana xildhibaannada codeysay tiradooda gaarayeen 95 xildhibaan.

Horey waxaa u guuleystay oo ku soo baxay kuraasta aqalka sare labada xildhibaan ee kala ah Cismaan Axmed Macoow, iyo Prof Cismaan Max’uud Dufle oo cod aqlabiyad ah labadaba uga guuleystay musharixiinta la tartameysay.

Waxaa harsan oo lagu wadda in xildhibannada ay soo doortaan shanta kursi ee wali dhiman oo lagu waddo in maanta la soo dhameystiro.