AF-SOOMAALI

musharixiinta madaxweyne ee ilaa iyo hadda is diiwaangaliyay


Xarunta Villa Hargeysa waxaa siweyn uga soctay diiwaangalinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha, waxaana ilaa iyo hadda la diiwaangaliyay 12 musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Maalinta beri ah ayaa la filayaa galinka danbe in la soo gabagabeeyo diiwaangalinta musharixiinta xilka madaxweynaha sida ku qoran jadwalka doorashada ay soo saareen gudiga qaban-qaabada.

Musharixiinta iliaa iyo hadda is diiwaangaliyay ayaa waxaa ka mid ah :

  1. Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  2. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.
  3. Cabdiqaadir Cosoble Cali.
  4. Maxamuud Maxamed Culusow.
  5. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
  6. C/naasir Cabdulle Maxamed.
  7. Bashiir Raagge Shiiraar
  8. Amb. Maxamed Cali Ameeriko
  9. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
  10. Jabriil Ibraahim Cabdulle
  11. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  12. Xasan Sheekh Maxamuud

Guddiga doorashada madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in isdiwaan gelinta Musharaxiinta ay u socoto si wanaagsan, islamarkaana ay ku rajo weyn yihiin in lagu soo gaba gabeeyo waqtigii loogu tala galay oo ah maalinta beri ah .