AF-SOOMAALI

Musharaxiinta Madaxweyne 2017


Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee lagu wado in 8-da bishan Febraayo ka dhacdo magaalada Muqdisho waxaa isku soo sharaxay Musharaxiin badan ,kuwaa oo isugu jira kuwa horey dalka xilal uga soo qabtay iyo kuwa cusub.

Musharaxiinta Madaxweyne ayaa intooda badan ku sugan magaalada Muqdisho, qaar kamid ah Musharaxiinta ayaana si rasmi ah isku diiwaan galiyay halka Musharaxiin kalana ay dhawaan si rasmi ah uga hari doonaan tartanka Doorashada.

Qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sameestay isbaheysi ay ku doonayaan in ay kula dagaalamaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale u sharaxan in uu Madaxweyne dalka ka noqdo.

Musharaxiinta is baheestay ayaa u muuqda kuwa isla socda hadana kala socda, marka aad eegto Musharaxiintan ayaa u badan kuwa aan isku siyaasad aheyn sidoo kale fikirkooda uu aad u kala fog yahay balse isku baheestay kaliya in Xasan Sheekh uusan mar kale talada kusoo laaban.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Maxamed Farmaajo R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kamid ah Musharaxiinta isbaheystay, waxaana dad badan ay la socdaan halka ay ku kala tageen iyo Khilaafkii horey u dhax maray labadan Musharax.

Musharaxiinta qaarkood waxaa gadaal ka riixaya Dowlado shisheeye iyo Ururo, halka kuwa kalana ay taageero ka helayaan ganacsatada Qabiilkooda, waxaana muuqaneysa in ay aad u kala fog yihiin dhinac walbo Musharaxiintan halka kursi u wada cararaya.

Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan in musharaxiinta is baheestay hadana kala socda ay wax badan ka qaldan yihiin, waxa ayna Falanqeeyaasha tilmaamayaan in ay habooneed in Musharaxiinta hadii ay daacad ka tahay in ay tartanka ka haraan ayna sharaxdaan kaliya hal Musharax ay isku waafaqsan yihiin si ay guul u gaaraan.

Siyaasiyiintan wada doonaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la isweediinayaa sida ay isku aamini karaan maadama ay hal kursi wada doonayaan nin walbana uu siyaasad gaar ah wato, waxaana la saadaalinayaa in ugu dambeyn ay kala fur furmi doonaa iskuna qaban doonaan arimo qabiil, mid Siyaasadeed iyo mid dhaqaale.