AF-SOOMAALI

Muqdisho iyo guud ahaan gobollada Soomaaliya oo maanta laga Ciidayo


Maanta oo Jimcaha ayaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba gobollada dalka Soomaaliya waxaa siweyn looga dabaal-dagayaa maalinta koowaad ee munaasabada Ciidul-Adxa oo ka mid ah labada Ciidood oo ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah.

Masaajidda ayaa lagu oogay Salaadda Ciidda iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ay ka qeyb-qaateen Tukashada labada rakco ee Ciida, gaar ahaan waxaa ay madaxdu boqolaal dadweyne ah kula tukadeen masjidka Isbaheysiga.

Boqolaal dadweyne ah ayaa lagu arkayaa wadooyinka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan magaalooyinka gobolada dalka Soomaaliya, iayadoo dadka ay isugu marxabeynayaan ciida wanaagsan Kullu Caam wa Antum Bikheyr iyo erayo kale oo dhamaantood la xiriira farxada Ciida.

Intii lagu guda jiray diyaar garowga ciidda waxaa sare u kac xoogan laga dareemay qiimaha la kala siisto xoolaha nool ee Suuqyada, sida Ariga, Lo’da iyo Geela oo dad badan ay iibsadaan xiliyadan oo kale si ay u gowracaan maalmaha Ciida.

Sida looga ciiday Muqdisho iyo gobollada waan idin soo gudbin doonnaa..