GLOBAL NEWS

Munaasabad lagu xusayay 01-da Luuliyo oo xalay lagu Qabtay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir


Munaasabad ballaaran oo lagu Xusayay Maalmaha xorriyadda Soomaaliya iyo Midowgii labada gobol ee Koonfurta iyo Waqooyiga Somalia ayaa xalay lagu qabtay xarunta maamulka Gobolka Banaadir ee Officio Governo oo dib u habeyn lagu sameeyay dhawaan.

Xafladda ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh, RW Somalia Cumar C/rashiid, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Muun-gaab iyo mas’uuliyiin kale oo fara badan.

Wasiirka Warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir oo furay munaasabada ayaa sheegay in guud ahaan Somalia ay ka dhacayaan xaflado noocan oo kale ah, ayna ka shaqeeyeen sidii dhallinyarta Soomaaliyeed loo dareen-siin Qiimaha ay dalka iyo dadka u leedahay xorriyadda.