AF-SOOMAALI

MO FARAH oo mar kale qaaday billada 5ta kun ee mitir


Orodyahanka Soomaali Ingiriiska ah ee Maxamed Faarax (MO FARAH) ayaa mar kale asagu qaaday orodka 5ta kun ee mitir.

Asagoo ka qeyb qaadanaya ciyaaraha OLOMBIKADA ee haatan kasocda Rio ee dalkaasi Brazil balse la filaayo in maanta lasoo gabagabeeyo ayuu difaacay rikoorkiisa isla markaana uu qaaday billada dahabiga ah ee orodka 5ta kun. Halkaa ayuu mar kale wacdaro ka muujiyay.

Taa ayaa ah billadiisa labaad ee dahabi ah ee ciyaarahaa Rio uu ka qaato. Maxamed Faarax ayaa orodkaa kusoo xiray 13 daqiiqo 03.30 ilbiriqsi asbuucii tagayna wuxuu qaatay billada dahabiga ah ee 10ka kun ee mitir!

Maxamed Axmed oo u ordaayay Canada ayaa asagu galay kaalinka 5aad ee ciyaarihii 5ta kun asagoo ku bogay ilaa 13:05.94.

Sida Maxamed Faarax ayaa Maxamed Axmed wuxuu galay orodka 10ka kun asbuucii tagay balse wuxuu galay asagoon raali ka ahayn booska 32aad.

Balse booska 4aad markii uu kasoo galay orodkii shalay ee 5ta kun asagoo qaatay billad nooca bronze ayaa dareenkiisa oo farax uu ku dheehnaa uu muujiyay.

‘Waxaan maanta dareemay inaan ugu dambeyn sideydii ku soo noqday’, sidaa ayuu yiri Maxamed Axmed.

Guud ahaan ayadoo ciyaaraha maanta oo Axad ah lagu wado in lasoo xiro ayaa waxaa dalal badan oo Afrikaan ah ay ka heleen billado dalalkaa oo kuwa ugu cadcad ay yihiin Itoobiya iyo Kenya oo ah dal soo saara orodyahano badan oo wanaagsan.