GLOBAL NEWS

Midowga Yurub oo War-Saxaafadeed digniin ah ka soo saaray Doorashada 2016


War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu maalmihii ugu dambeeyay si dhow ula shaqaynayay madaxda Dawladda Federaalka ah iyo Madasha Wadatashiga iyo Guddiga uu Baarlamaanku u xil saaray Dib u eegista hanaankii doorashada ee ka soo baxay Madasha Wadatashiga Qaran.

Midowga Yurub wuxuu sheegay in ay aad uga xun yihiin in arrintan heshiis laga gaari waayay intii aanay imaan Xubnaha Golaha Ammaanka magaalada Muqdisho, 19kii bishan May.

Warsaxaafadeedka ayaa tilmaamay in la lumiyey fursadaas oo ahayd mid muhiim ah.

Midowga Yurub wuxuu sheegay in horumar la sameeyay, laakin waxa uu intaasi raaciyay in hadidi aan si degdeg ah arrintan xal loogu heli waayo, ay markaas qasab ku noqon doonnayso Midawga Yurub inay ka fiirsadaan taageerada ay u fidiyaan hey’adaha Dawladda Federaalka ah, isla markaana lagu baaqi doono shir caalami ah oo degdeg ah oo la xiriira Arrimaha Soomaaliya .