GLOBAL NEWS

Mid ka mid ah duuliyeyaashii Ruushka ahaa oo la helay iyo Moscow gantaallo geysay dalka Suuriya


Xukuumadda Moscow ayaa sheegtay maanta inay heleen mid ka mid ah duuliyeyaashii waday diyaaradoodii dagaal ee shalay ay Turkigu soo rideen, kaasoo la sheegay inay badbaadiyeen ciidamada dalka Suuriya, iyadoo sidoo kalena ay Ruushku maanta gantaallada difaaac cirka uu geeyay dalka Suuriya.

Safiirka Ruushka ee dalka Faransiiska Alexander Orlov iyo mas’uuliyiin dowladda Suuriya ka tirsan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in in duuliyahan ay heleen qaar ka mid ah ciidanka Suuriya oo tan iyo shalay baadi-goobkiisa ku jiray.

Wararka ayaa sheegay in duuliyahan la geeyay saldhigga ciidamada cirka dalka Ruushka ay ku leeyihiin Latakia oo ka tirsan dalka Suuriya. Iyadoo la sheegay in duuliyihii kale ee diyaaradda la riday waday iyo askari kale oo Ruush ah la dilay.

Sidoo kale, saraakiisha difaaca Ruushka ayaa ku doodaya duuliyihii Turkiga ahaa ee kasoo riday diyaraddan uusan marna isku dayin inuu la xiriiro duuliyeyaasha Ruushanka ahaa ee diyaaradda waday ka hor intii aysan diyaaradda soo ridin.

Balse, xukuumadda Ankara ayaa dhankeeda ku andacoonaysa in duuliyeyaashii Ruushka ahaa diyaaradda saarnaa si is-daba-joog ah loogu digay ka hor intii aysan diyaaraddaas soo ridin, ayna diyaaraddu kusoo xad-gudubtay hawada dalkooda.

Xukuumadda Ruushka ayaa ku dhawaaqay in dhammaan dalxiisayaashii Ruushka ahaa ee aadi lahaa Turkiga inay joojiyaan safarradooda, taasoo jawaab u ah diyaaraddii uu Turkiga kasoo riday shalay oo Talaado ahayd.

Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga Ruushka, Sergey Shoigu ayaa sheegay in maanta ay saldhigga ciidanka cirka ee Khamenei oo ku yaalla Latakia, Suuriya ku daabuleen gantaal-lada noocoodu yahay S-400 SAM, kuwaasoo uu sheegay inay ku difaacaan hawada dalka Suuriya, si aanay u dhicin falkii uu Turkigu ku so riday diyaaraddoodii dagaal.

Ugu dambeyn, dalka Turkiga ayaa dhaqaale aad u badan ka hela dalxiisayaasha Ruushka ah ee dalkeeda booqda, iyadoo malaayiin qof oo Ruushan ah ay sannad kasta Turkiga ay ku tagaan dalxiis magaalooyiinka waaweyn ee dalkaas.

Si kasta ha ahaateen, Dalalka Ruushka iyo Turkiga oo daris ah ayaa waxaa soo dhexgalay khilaaf, kaasoo ka dhashay diyaaraddii dagaal ee Ruushku lahaa ee shalay ciidamada cirka Turkigu ay soo rideen.