AF-SOOMAALI

Micheal Keating” Soomaaliya lama oran karo wax walba waqtigooda ha ku dhacaan


Danjiraha QM ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa shaki ka muujiyay in doorashada Somaaliya ku dhici karto waqtigii loo qabtay, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in uu rajo badan ka qabo in doorashada sidda ugu dhaqsiyaha badan u dhici doonto.

Danjiraha oo wareysi siinayay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in marar badan oo hore doorashadu dib u dhacday hasse ahaatee warka wanaagsan uu yahay in 40%, la soo dhameystiray xubnihii aqalka sare iyo hoose, taasoo muujineysan ayuu yiri in muddo gaaban gudaheed la qaban doono doorashada guddoonka baarlamaanka.

”Marka Soomaaliya laga hadlayo lama oran karo wax walba waqtigooda ha ku dhacaan, waqtiga Soomaaliya la qabsado la mid ma’aha kan Switzerland, hasse ahaatee waxaan rajeynayaa in muddo 10 cisho wax walba ku soo dhamaan doonaan” ayuu yiri danjire Keating.

Waxaa uu sheegay danjiraha QM in arinta doorashada Soomaaliya soo jiitameysay ilaa laga soo bilaabo bishii August, laakiin kalsoonida ugu ballaaran ee la qabo ayuu sheegay in ay tahay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo qaban doono doorashada.

Hadalka danjiraha ayaa imanaya xili musharixiinta madaxweyne qaarkood walaac ka qabaan dib u dhacyadan is xig xiga, iyaga oo ka dalbanaya guddiga doorashada dadban in ay cadeeyaan waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada madaxweynaha cusub ee sanadkan 2016ka.