AF-SOOMAALI

Meydadka shacab Soomaliyeed ay laayeen ciidanka Itoobiya oo la aasay (Aqriso Magacyadoda


Meydadka shacab ciidamada Itoobiya ku xasuuqeen degaan ka tirsan gobolka Bay gelinkii dambe ee Axadii ina dhaaftay ayaa la soo sheegayaa in la aasay.

Xasuuqan aya ka dhacay degaan lagu magacabo Wardiinle oo qiyaastii 33km u jira magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo baacsanaya xoogag taabacsan Al-Shabaab ay gaareen degaankaas ayna laayeen 14 ruux oo ahaa shacab halkaas ku noolaa, iyagoo ku eedeynaya iney ka qarinayaan xoogaga Al-Shabaab.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia iyo masuuliyiin kale ayaa degaankaas gaaray, iyadoo xildhibaanku sheegay in ciidamada Itoobiya aysan dadkaas si bareer ah u leynin balse ay ka jawaabayeen rasaas ay ka soo dhex rideen al-Shabaab.

Dadka la laayey oo ay ku jireen dad da’ ah ayaa la soo sheegaya in labo ka mid ah ay gowraceen ciidamada Itoobiya halka inta kalena ay rasaas ooda kaga qaadeen, waxaana falkan uu argagax ku beeray shacabka degaanka.

Magacyada dadka la laayey waxay kala yihiin sidatan:_