AF-SOOMAALI

Meydadka dad rayid ah oo lagu dilay howlgal laga fuliyay Bariire oo Muqdisho la keenay


Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw oo maanta ah warbaahinta loogu soo bandhigay meydadka ilaa 10 ruux oo rayid ah oo la sheegay in lagu dilay howlgal ay wada jir uga fuliyeen ciidamo Mareykanka ah iyo kuwa Soomaaliya deegaan u dhaw degmada Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka oo intooda badan la sheegay in ay isku qoys ka soo jeedeen ayaa ka mid ahaa labo carruur ah oo ka mid ahaa dadka maanta meydadkooda la soo bandhiga.

Ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyeen ciidamo Soomaali ah ayaa la sheegay in waabarigii hore ee saakay howlgal ka sameeyeen dhul beeraley ah oo ku dhow Bariire, halkaasoo dadkan ay ku dileen.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo la xiriira weerarkan la sheegay in lagu dadka rayidka ah.

Taliska howlgalka gaarka ee iidamada Mareykanka ee Africa, oo ay Hiiraan Online la xirirtay, ayaa sheegay in aysan jirin duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen Bariire 24-kii saac ee lasoo dhaafay.