AF-SOOMAALI

Meydad hor leh oo laga helay goobtii maanta qaraxa ismidaaminta uu ka dhacay (


Meydad hor leh ayaa gelinkii dambe ee maanta laga helay agagaarka goobtii uu saaka ka dhacay qaraxa ismiidaaminta ah ee nawaaxiga wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa yimid markii gaari waxyaabo qarxa laga soo buuxiyey lala eegtay kolonyo uu la socday taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Cirfiid oo ka soo baxay munaasabad xil wareejin ah oo ka socotay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga.

Geedaha ka baxayey hareeraha laamiga dhexdooda iyo meelo kale oo ishu aysan qaban Karin ayaa waxaa galabta laga soo saaray meydadka dhowr qofood oo qaraxaasi xoogiisa uu tuuray, kuwaasoo jirkooda ay ku yaalleen dhaawacyo halis ah oo sababay iney dhintaan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ka badbaaday taliyaha ciidanka xoogga dalka looga soo shaqeeyey si xirfadeysan.

“Ninka waday gaariga qaraxa ka buuxay si kas iyo maag ah ayuu markii hore ugu dhuftay baabuur Caasi ah oo wadada marayey isagoo ka dhigaya shil caadi ah, wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay inuu bixiyo qasaaraha uu gaystay, rakaabkii saarnaa Baabuurka waa ka degeen oo baabuur kale ayey raaceen, intii wadahadalka iyo qiimaynta qasaaraha shilka lagu jiray ee lacagta waa badan tahay iyo ma badna la isku hayey ayaa waxaa meesha soo maray gaadiidka uu la socday Taliyaha Ciidamada XDS ka dibna ninkii gaariga qaraxa waday howshiisii ayuu qabsaday oo gaarigii ayuu qarxiyey balse taliyaha iyo ciidanka la socday wey ka badbaadeen” ayuu yiri qof ka mid ahaa dadkii goobtaas ka dhawaa oo saxaafada la hadlay.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu haleelay gaari ah oo rakaab badan waday iyo gaadiid kale oo xiligaas goobta marayey kuwaasoo halkaas ku basbeelay iyaga iyo dadkii la socdayba.

Dad ka badan soddon ruux ayaa ku dhintay qaraxaas kuwaasoo u badnaa shacabkii la socday gaadiidka rakaabka ahaa halka dhaawacu uu yahay mid intaas ka sii badan, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay daadsanaa dhiig fara badan iyo meydad googoo’ay.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan, iyagoo xusay inuu dirqi kaga badbaaday taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka balse uu khasaare nafeed u geystey ilaaladiisa, mana soo hadal qaadin shacabkii faraha badnaa ee qaraxaas ku le’day.

Dowlada Soomaaliya madaxdeeda iyo laamaha amaanka ayaan iyana wax war ah ka soo saarin qaraxan oo ka mid noqonaya kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho.