GLOBAL NEWS

Md. Axmed Madoobe oo Kulankii ugu horeeyay la Qaatay Golahiisa Wasiirada Cusub


Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) oo hareer fadhiyeen labadiisa ku xigeen ayaa la kulmay Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulkiisa.

Kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Golihiisa Wasiirada ayaa looga arinsanayay sidii loo dar dar galin lahaa howlaha shaqo ee horyaala Maamulka Jubbaland iyo sidii Wasiirada ay uga soo bixi lahaayeen waajibaadka loo igmaday.

Axmed Madoobe ayaa u sheegay Golihiisa Wasiirada in looga baahan yahay howl adag iyo dadaal badan, waxa uuna kula taliyay in ay si cadaalad ah u gutaan shaqooyinkooda ayna u cadaalad falaan dadka ay matalaan.

Qaar kamid ah Wasiirada cusub ee maamulka Jubbaland ayaa ka balan qaaday Madaxweynaha in ay la imaan doonana hufnaan shaqo ayna ku dhaqmi doonaan cadaalad kana soo bixi doonaan masuuliyada dusha laga saaray.

Golaha Wasiirada cusub ee maamulka Jubbaland ayaa la filayaa in ay si toos ah u howl bilaabaan ayna xilka kala wareegaan Golihii wasiirada ee horey xilka usii hayay.