GLOBAL NEWS

Maxkamad Kutaala Seychelles oo Shan Soomaali ah Ku Ridday 12 Sano oo Xarig ah


Koox Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay inay burcad badeed yihiin ayaa maxkamad dalka Seychelles kutaala waxay ku ridday xukun ah 12 sano oo xarig ah shalay.

Xaakimka, Gustave Dodin ayaa sheegay in lagu helay raggaas 2 dembi oo burcad badeednimo ah-alyacni in ay labo jeer geysteen falal burcad badeednimo.

Waxaa Soomaalidaa lagu soo eedeeyay laguna helay sida maxkamadu sheegtay in ay weerareen dooni dalka Hiniya laga leeyahay isla markaana ay madax furasho u qabsadeen shaqaalihii doontaa ayagoo intaa kadibna isla doonidaa u isticmaalay inay ku weeraraan markab shidaal siday.

Waxaa Soomaalidaa lagu soo eedeeyay laguna helay sida maxkamadu sheegtay in intii u dhexeysay 1dii ilaa 18kii Janaayo 2014 ay gacanka Cadan ka geysteen falal dembiyeedkaas.

Inkastoo falalkaa maxkamadu sheegtay in sanadkaa 2014 ay raggaasi ku kaceen hadana falalka burcad badeednimada ah ayaa hoos u dhacay ama u ekaa kuwo dhammaaday sanadihii labada ahaa ee lasoo dhaafay.