AF-SOOMAALI

Maxkamad Ciidan oo Baydhabo ku xukuntay Rag la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Daacish


Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Gobolka Bay ayaa maanta oo xukun ku ridday Afar ruux oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka ISIS ama Daacish.

Xukunkan oo ka dhacay Baydhabo, ayaa Xubnahaan la xukumay waaxaa dhawaan gacanta kusoo dhigay Ciidanka maamulka Koonfur-galbeed Somalia, mas’uuliyiinta maamulka ay ugu sheegeen dhawaan Warbaahinta.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Bay, Aadan Abuukar Maxamed ayaa sheegay in afartaan ruux lagu riday midkiiba 10 sano oo xabsi ah; isagoo xusay in maxkamadu ay xukunkooda ku dhawaaqday.

Sidoo kale, Xubnahan la xukumay ayaa waxaa ku jira; C/casiis Xasan Mursal oo la sheegay inuu yahay Wakiilka Daacish ee Baydhabo, sidoo kalena waxaa ka mid ah Mahad Nuur Siidoow oo isagana la sheegay inuu Daacish u Qaabilsanaa Qaraxyada, Maxamed Sheekh Maxamed iyo Cali Maxamed Gaaboow oo la sheegay inuu Daacish u Qaabilsanaa Dilalka Qorsheysan.

Taliska Sirdoonka Baydhabo, ayaa horraantii bishan waxay magaaladaas kusoo bandhigeen Raggan la xukumay oo lagu soo qabtay hawl-galo laga sameeyay Baydhabo waana xubnihii ugu horreeyay oo Daacish ah oo lagu xukumo gobolka Bay.

Ugu dambeyn, Degmada Baydhabo ayaa waxaa horay ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somalia ugu xukuntay rag ka tirsanaa Al-shabaab oo ku eedeysan qaraxyo khasaare badan geystay oo magaaladaas ka dhacay.