AF-SOOMAALI

Max’ed Cabdi Kaliil oo loo Magacaabay Wasiir-u-dowlaha Amaanka Maamulka Jubbaland


Wareegto kasoo baxday Madaxtooyada Jubaland islamarkaana uu ku saxiixnaa Mudane Axmed Max’ed Islaam Madaxweeynaha Jubaland ayaa wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Jubaland loogu magacaabay Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo Mudane Max’ed Cabdi Kaliil.

Madaxweeynaha ayaa wareegtada ku sheegay in kadib tashiyo uu la sameeyay kuxigeennadiisa iyo gudoonka baarlamanka uu go’aansaday in uu xilkaasi u magacaabo Max’ed Cabdi Kaliil, isagoo sheegay in uu ku kalsoonahay kartida iyo aqoonta masuulkaasi.

Max’ed Cabdi Kaliil oo kamid ahaa siyaasiyiintii dhaliilsanayd hannaanka lagu dhisay Jubaland ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii reer Gedo ee wax ka saxiiixay heshiiskii dhexmaray maamulka Jubaland iyo dhinacyadii kasoo horjeeday ee lagu kala saxiixday magaalada Kismaayo bartamihii bishii March ee sanadkan.

Masuulkan ayaa haatan ku sugan magaalada Kismaayo oo uu dhawaan soo gaaray.

Madaxweeynaha Jubaland ayaa hore ugu dhawaaqay golihiisa wasiirada, walow uu shaaciyay in ay jiraan xubno ka dhiman xukuumaddiisa oo uu dib kasoo magacaabi doono.