AF-SOOMAALI

Maxamuud Siraaji oo ku guuleystay kursiga xubinnimada baarlamaanka


Doorasho siweyn isha loogu wada hayay oo ah kursigii uu ka geeriyooday Wasiirkii hore ee Howlaha guud Cabaas Siraaji oo maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku soo baxay Maxamuud Siraaji oo la dhashay marxuumka geeriyooday.

Maxamuud Siraaji ayaa ku soo baxay 50 cod guud ahaan marka la eego ergadii codka dhiibatay, taasoo xaqiijineysa guushiisa xubinimada baarlamaanka.

Wasiirkii hore ee howlaha guud ee Cabaas Siraaji oo kursiga ku guuleystay 2016kii ayaa sanadkii hore toogasho lagu dilay meel aan wax badan ka fogeyn xarunta madaxtooyada Soomaaliya.