AF-SOOMAALI

Maxaa kasoo baxay kulankii Maanta Beledweyne ku dhexmaray Danjiraha IGAD iyo Ugaas Xasan?


Inkastoo ay adag tahay in la hello xog dhameystiran oo la xiriirta kulanka maanta magaalada Beledweyne ku dhaxmaray danjiraha urur gobolleedka IGAD iyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, ayaa dhinaca kale warar hoose oo ay heshay Hiiraan Online waxaa ay sheegayaan in labada dhinac ka wadda hadlleen suurtagalnimada in la sii anba-qaado wadda-hadallada ku saabsan qorshaha dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe.

Todobadkii hore Talaadadii aynu soo dhaafnay ayeey aheyd markii kulan saacado badan qaatay magaalada Beledweyne uu ku dhaxmaray wafdiga urur gobolleedka IGAD, kaa ugu danbeyntii ku soo dhamaaday natiijo la’aan kaddib markii leysku fahmi waayay dhamaanba qodobadii laga wadda hadlay.

Ilo xog-xogaal ah ayaa HOL u sheegay in danjire Afeyn iyo Ugaas Xasan kulankoodii maanta isla soo qaadeen in mar kale dib loo anba-qaado wadda hadallada, waxaana la filayaa in todobaadkan gudihii leysugu soo laabto kulan kan ka ballaaran.

Khilaafka dhismaha maamulka labada gobol oo soo jiitamayay ku dhawaad toddoba bilood, ayaa hadda u muuqda mid ay si toos ah ula wareegtay IGAD, kaddib markii ay dowladda federaalka ku guul-dareysatay ku qancinta duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ajandaheeda siyaasadeed ee ku aadan habka loo marayo dhismaha maamulka labada gobol

Laakiin marka aad hoos u sii eegto ma cadda sidda IGAD laftirkeeda ugu guuleysan karto in dhinacyadan oo dhan leysugu keeno madal ay ku wadda dhistaan maamulka kaliya, madaama ay jiraan sharuudo adag oo ay tahay in la fuliyo ka hor inta aan lagaba wada hadal maamul iyo dhismihiisa.

Kulankan mar kale la filayo in looga wadda hadlo khilaafka mudada dheer soo jiitamayay ayaan ka marneyn in markan fursad leysku siiyo bulshada labada gobol oo ka wad hadlaya habka awood-qeybsiga iyo qodobo muhiim ah oo markii hore lagu wajahay hab siyaasadeed laakiin markan aad moodo in looga maari-waayay dhaqanka beellaha labada gobol oo fure u ah socodsiinta howlaha qabyada ah.

Ugaas Xassan ayaa wali ku adeysanaya in dowladda federaalka u dhaga-nuglaato rabitaanka shacabka oo aan la caburin, balse urur gobolleedka IGAD ayaa qaba in waqti badan uusan harin, siddaa daraadeed loo baahan yahay in lagu dhaqsado maamul u sameynta labada gobol.

Safarka deg deg ah ee maanta danjire Max’ed Cabdi Afey uu ku yimid magaalada Beledweyne, ayaa muujinaya sidda ay u adag tahay dhismaha maamul aan dhinacyada oo dhan lagu wadda qancin, madaama duubabka maqan yihiin kuwo muhiim u ah in labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe qeyb ka noqdaan dowlad gobolleedyada dalka ka jira.

Ugu danbeyntii, kulanka maata ayaa imanaya xili dhawaan Ugaas Xassan Ugaas Khaliif shir jaraa’id ku sheegay in waxba isku darran doonin labada gobol, halka urur gobolleedka IGAD war-saxaafadeed ka soo baxay ugu baaqeen dowladda federaalka in la dardargaliyo dhismaha maamulka labada gobol.