AF-SOOMAALI

Masuuliyiin & shacab dhiig ugu deeqay dhaawacyada bilqan Isbitaalada Muqdish


Shacab fara badan iyo Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray xalay iyo saaka qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho iyagoo dhiigooda ugu deeqay dadkii faraha badnaa ee ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Zoope oo si weyn loogu hoobtay.

Waxaa ka mid ahaa Masuuliyiinta booqday dhaawacyada dhiigana u shubay waxaa ka mid ahaa Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) , Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, xildhibaano iyo madax kale.

Shaqaalaha isbitaalada ayaa ku baaqaya in dhiig lala soo gaaro si loo badbaadiyo dadka dhaawaca ah ee la geeyey, iyadoo baraha bulshada illaa xalay uu ka socday olole dadka loogu baaqayo iney gaaraan Isbitaalada si ay u shubaan dhiig lagu badbaadiyo walaalahood.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay illaa saaka hareysay murugada ka dhalatay qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Zoope oo dad aad u fara badan ay ku naf waayeen, qaar kalena dhaawacoodu dhooban yahay isbitaalada.