AF-SOOMAALI

Markab shisheeye oo kalluumeysato Soomaaliya ku dilay


Markab hubeysan ayaa habeynkii Arbacada ku laayay kalluumeysato xeebta jaziirado kuyaala Soomaaliya.

Ilaa labo kalluumeysato ah oo doonyo saarnaa ayaa halkaa ku dhintay 9 kalena waa dhaawacmeen kadib markii rasaas looga soo furay markabkaa shisheeye. Kalluumeysatadaa ayaa kasoo jeeda jaziiradaha Kudha iyo Madhawo iyo weliba mid u dhexeysa labadaa oo la yiraahdo Jawaza Hasani.

Wali waxaan la xaqiijin dalka leh markabkaa dadka saarnaa ay sida masuuliyad darrada ah u dhaqmeen ee ay ku laayeen kalluumeysato masaakiin ah oo aan waxba galabsan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in doomaha markabku xabbadaha ku furay ay saarnaayeen rag hubeysnaa.

Waziirka Warfaafinta ee Jubaland, C/Nuur Cali Aadan ayaa hase ahaatee warfidiyeenka u xaqiijiyay in doomuhu ahaayeen doomo kalluumeysi dilka iyo dhaawaca kalluumeysatada loo geystana ay yihiin xadgudub.

Wuxuu ku tilmaamay in markabkaa ay wateen burcad badeed [shisheeye]. Doomaha ayaa 9 ahaa.

Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay dhacday dawladii dhexe maraakiibta shisheeyuhu ku soo xadgudbayeen ayagoo boob iyo bililiqo ku haya kheyraadka badda dalka.