GLOBAL NEWS

Mareykanka oo Maanta Sheegay in la Adkeynayo Fiisaha la Siiyo Waddamo ay ku jirto Soomaaliya


Xukuumadda Washington ayaa Somalia, Yemen iyo Liibiya ku dartay liiska waddamada walaaca laga qabo, marka la eego Ogolaashaha in Dal-ku-gal [Visa] la’aan Mareyanka lagu geli karo.

Qaybta Amaanka Gudaha Mareykanka, ayaa ku dhawaaqday Tallaabadaan Maanta, iyadoo sheegtay in dadka Dalalkaan u dhashay ay ku adkeyn doonto in la siiyo Viso ama dal-kugal ay Mareykanka ku tagaan.

Sidoo kale, Tallaabadan Cusub ee Xayiraada ah ayaa ku timid sharci cusub oo la Ansixiyay wixii ka dambeeyay Weerarkii bishii November ee Sannadkii hore 2015-ka ay kooxda ISIS ku Qaadday Magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska.

Muwaadiniinta u dhashay Dalalka ay Saaxiibka dhaw yihiin Mareykanka oo marii hore ku geli jiray Mareykanka Visa ama Dal-ku-gal la’aanta ee Safarada ku tagay shantii sano ee la soo dhaafay mid ah Waddamada Somalia, Yemen iyo Liibiya.

Waaxda Ammaanka Gudaha ee Mareykanka ayaa sheegtay in Shuruudahan Cusub aysan si toos ah u Saamaynayn Muwaadiniinta ka yimid Waddamada aan dalkugalka u Baahnayn inay Mareykanka galaanm kuwaasoo ay ka mid yihiin muwaadiniinta haysta labada Sharci ee dhalashada ah ee u dhashay Dalalka Soomaaliya, Liibiya iyo Yemen.

Ugu dambeyn, Xayiraadan Cusub ee helitaanka dalkugalka Mareykanka ayaa imaanaysa, iyadoo hay’adaha Ammaanka dalka Mareykanka ay isha ku hayso khataraha ka imaan kara Xag-jiriinta Ajaanibta ah, iyagoo Tallaabadan Cusub ku adkeynaya inay kooxahan fursad u helaan inay ka faa’iideystaan dalkugalka Mareykanka oo aan Dalalka Qaarkood Adkeyn.