GLOBAL NEWS

Maraykanka oo diiday in cod loo qaado qaraaar ku baaqaya xabbad joojin, si adduunku ugusoo jeesto dagaalka Covid19


Dawladda Maraykanka ayaa ka hortimid in cod loo qaado qaraar kasoo baxay Golaha Amaanka oo ku baaqaya xabad joojin dalalka kala duwan oo adduunka ah si ay si fiican ula dagaalamaan cudurka Covid19.
Markii la weydiiyay sharaxaad ku saabsan tallaabada Mareykanka, sarkaal ka tirsan waaxda arrimaha dibedda ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Shiinuhu uu dhowr jeer joojiyay heshiisyadii ay u saamixi lahaayeen Golaha inuu horay u socdo.

Bishii la soo dhaafay, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu joojinayo maalgalinta Ururka Caafimaadka Adduunka, isagoo ku eedeeyay inay hoos u dhigeyso halista cudurka dillaacay si loo difaaco Shiinaha.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Xabbad-joojinta u oggolaanayso shaqaalaha bani’aadamnimada in ay gaaraan dad aad ugu nugul faafidda COVID-19, oo markii ugu horreysay ka soo baxay Wuhan, Shiinaha, bishii Diseembar ee la soo dhaafay.

Maraykanka ayaa dagaallo uu kula dagaalamayo kooxaha argigixisada iyo ururada kale ee kasoo horjeeda siyaasadiisa ka wada wadamo badan oo ay Soomaaliya kamid tahay.

Qaramada Midoobay waxay codsatay in Maraykanku hakiyo dagaaladaas si arimaha caafimaadka loo gaarsiiyo goobaha colaaduhu ka jiraan.