AF-SOOMAALI

Magaalada Kismaayo oo lagu qabtay Kulan looga tashanayay xeerka barakacayaasha Jubbaland


Kulankaan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland ayaa ahaa mid looga wada tashanaye qabyo qoraalka xeerka barakacayasha Jubbaland, waxaana ka qaybgalay culumaa’udiin, Aqoonayahanno, Salaadiin, ururrada bulshada rayidka ah, maamulka gobolka iyo kan Degmada Kismaayo.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradda arimaha gudaha, ujeedka kulanka ayaa ahaa in barakacayaasha iyo qeybaha kale ee bulshada laga talo geliyo qabya qoraalka xeerka barakacayaasha gudaha ee ay diyaarineeyso wasaaradda arimaha gudaha.

Gudoomiye kuxigeenka gudiga barakacayaasha Jubbaland Max’ed Qadar Nuur oo madasha ka hadlay ayaa sheegeen muhiimadda ay u leedahay in laga talo galiyo xeerka, isagoo xusay in ay rajeynayaa in mudada uu kulanku socdo ay talooyin badan ku biirin doonaan qabyo qoraalka xeerka barakacayaasha.

Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland Mudane Max’ed Warsame Darwiih oo gabagabadii kulanka qudbad ka jeediyay ayaa sheegay in mudada uu socdo kulanka wadatashiga ah laga doodi doono qabyo qoraalka xeerka barakacayaasha, isagoo ku booriyay qeybihii kala duwanaa ee bulsahda ee kasoo qeybgalay kulanka in ay talooyinkooda ku biiriyaan xeerka ay wasaaraddu diyaarineeyso.

Wasiirka ayaa sheegay in kadib marki ay wadatashiyada soo dhamaadaan ay xeerka horgeyn doonaan golaha wasiirada Jubbaland si ay u meelmariyeen, kadibna la horgeyn doono baarlamanka.

Sida ay sheegtay in wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland, deegaanada Jubbaland waxaa ku nool 420,000 oo qof oo kasoo barakacay qeybo ka tirsan gobollada dalka.