AF-SOOMAALI

Magaalada Kismaayo oo laga daahfuray hannaanka dhismaha dowladaha hoose


Munaasbadda daahfurka hanaanka dhismaha dowlahada hoose iyo goleyaasha deegaanka ee Jubaland oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arimaha gudaha Jubaland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kismaayo, ayadoo ka qeybgaleen madax ka socotay dowladda dhexe, dowlad goboleedyada dalka iyo wufuud ka socotay beesha Caalamka.

Xafladdan furitaanka waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam, wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiirro iyo wakiillo ka socday wasaaradaha arimaha gudaha dowlad goboleedyada dalka, wufuud beesha caalamka ah iyo marti sharaf kale.

Wasiirka arimaha gudaha Jubaland Mudane Max’ed Warsame Darwiish oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray barnaamijka dhismaha dowladaha hoose, isagoo sheegya in ay arrin lagu farxo tahay in maanta si rasmi ah loo daahfuro.

Wasiirka arimaha gudaha dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo madasha khudbad dhinacyo badan taabaneeysa ka jeediyay ayaa sheegay in barnaamijkan yahay mid awood siinaya dowlad goboleedka Jubaland islamarkaana yahay mid horseedi kara nabad iyo horumar ay gaarto bulsha weynta reer Jubaland.

Waxa uu sheegay in dhismaha dowladaha hoose iyo goleyaasha deegaanku uu yahay hanaan maamulka hoos loogu daadajinayo, si uu u gaaro dhammaan degmooyinka iyo deegaanada Jubaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in hannaankan Cusub uu yahay mid Soomaaliya wax badan kusoo kordhinaya, isagoo sheegay in hannaanka meesha ka saarayo awooddii halka dhinac ku koobnayd, islamarkaana uu horseedi doono kobac dhaqaale iyo maamul awood leh.

“ Qofka aan talada u dhiibayno in aan ku qiimayno shaqadiisa iyo shaqsiyan wuxuu soo kordhin karo ayaa ka haboon in aan qabiil iyo qosykiisa ku miisaano” ayuu yiri Madaxweynahu.

Dadweynaha ayuu sheegay in ay ka faa’iidaystaan hawshan isla markana ay ka fogaadan wax walba oo Bulshada wadajirkeeda wax u dhimaya.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay Tageerada beesha Caalamku ay siiso Soomaaliya wuxu ka digay in ay kusii socoto qaabka hada ay tahay wuxuuna sheegay in NGO-yada loo dhiibayo mashaariicda aysan Soomaaliya dan u ahayn oo la aamino Maamulada iyo hananka Dowliga ah ee Dalka ka jira.

Wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya ayuu ku dhaliilay wax qabad la’aan, isagoo sheegay in aysan waxba soo kordhineeyn in deeqaha ay dalka ugu talogaleen ay u dhiibaan NGO-, kuwaa oo uu sheegay in aysan waxba qaban.

Barnaamijkan maanta la daahfuray ayaa marka uu dhaqan galo, waxaa goleyaasha deegaanka degmooyinka Jubaland soo dooran doona shacabka deegaanadaasi.