GLOBAL NEWS

MADAXWEYNE XASAN: Xoogagga Boko Haram WaxayTababarro ku Qaataan Gudaha SOMALIA


Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxmuud oo ka Hadlayay manta Shirka ka socda Magaalada Munich ee Dalka Jarmalka ayaa sheegay in dagaal-yahanada kooxda Boko Haram lagu tababaro gudaha dalka Soomaaliya, ka hor inta aysan dagaalladooda ka billaabin Nigeria.

Xasan Sheekh ayaa hadal uu shirka ka jeediyay ku sheegay in Somalia ay dagaal adag kula jirto Musuq-maasuqa iyo Al-shabaab, uuna haatan Dalku Sameynayo horumarro dhinacyo badan ah, sida inay abuureen maamulka maaliyadda dalka.

“Haddii aysan Soomaaliya xasilin, dalalka gobolka oo dhan iyo kuwa Afrika waxay ku jiri doonaan xasillooni-darro. Waayo waxaa jira caddeymo la hayo oo sheegay in qaar ka mid ah dagaal-yahannada Kooxda Boko Haram lagu Tababbaro Somalia, markaas kaddibna dib loogu celiyo Nigeria,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri.. “Kooxaha argagaxisada ah waxaa ka dhexeeya xiriir adag iyo iskaashi mug weyn, sidaa awgeed innaguna waxaan ka doonaynaa Caalamka inay iskaashi nala sameeyaan si argagaxisada loo jabiyo.”

Dhanka kale, Hadalka Madaxweyne Xasan ayaan caddeyn inuu ula jeedo in Al-shabaab ay tababarto xoogagga Boko Haram iyo in kale, Maadaama Kooxda Boko Haram ay Xiriir la leedahay ISIS, halka Al-shabaab ay kasoo Horjeedo Daacish oo ka Dagaallanta Ciraaq iyo Suuriya.

UGu dambeyn, Al-shabaab oo xiriir la leh Ururka Al-Qaacida ayaa Muddo Sannado ah la dagaallamaysay Dowladda Somalia si ay xukunka uga tuurto, si ay dalka ugu soo rogto ku dhaqanka shareecada Islaamka, balse sannadihii lasoo dhafaay ayaa kooxda laga qabsaday dhul ballaaran oo ay awood ku lahayd.