GLOBAL NEWS

Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay in shirka Wadatashiga uu yahay mid ay Soomaali leedahay


Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddii uu maanta ka jeediyay furitaanka kulanka wada-tashiga doorashooyinka Somalia ee 2016-ka ayuu ku sheegay in madashan ay tahay mid ay shacabka Soomaaliyeed leedahay, ayna ku matalayaan xubnaha shirka ka qayb-galaya.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale khudbadiisa ku sheegay in seddexdii sano ee lasoo dhaafay ay xukuumaddiisu ka shaqeynaysay fulinta Hiigsiga cusub ee 2016-ka, arrimo badanna ay u qabsoomeen muddadaas.

“Seddexdii sano ee lasoo dhaafay waxaan ku howlanayn fulinta Hiigsiga 2016-ka oo ka kooban seddex tiir oo waa-weyn. Tiirka 1-aad waa dhismaha nidaam federaal ah oo dalku yeesho, maantana waxaa leennahay maamul-goboleedyo metela shacabka Soomaaliyeed, ayna madaxdoodu halkan joogaan, iyagoo ah wakiillada shacabkii soo doortay, waxaanan rajeynayaa in maamullada haray sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiri doono oo inta aanu wada-tashigan dhamaan sanadkan dhamaadkiisa iyagana ay kusoo biiraan, howshuna meel aad u wanaagsan ayay noo maraysaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri. “Tiirka kale waa dib u eegis dastuurka federaalka ah ee dalka oo howshiisu socoto, goor-dhawna golaha shacabka iyo dadweynaha waxay billaabayaan doodo dib loogu eegayo dastuurka , maanta way inoo dhisan yihiin hay’adihii inoo fulin lahaa howsha dib u eegista dastuurka ee uu dastuurkeenna KMG-ka ah ee maanta jira uu tilmaamayo, waxa noo dhiman waa inaan boorka ka qaadno dibna u xaab-xaabinno si aan u helno dastuur kaamil ah oo dib u habeyn lagu sameyay, una taagan u adeegidda danaha shacabka Soomaaliyeed, waxaan rajeynayaa dhawaan in meel fiican oo gunaanad ah aanu soo gaarno.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in tiirka saddexaad uu yahay dimuqraadiyeynta dalka, isagoo xusay in dalku uu soo maray qaab-dowladeed aad u dhib badan, wax badan ayaana naga murgay, si aanay taasi u soo noqonna dalka waa inaan dhaqan dimuqraadi ah oo dunidu taqaanno ku hoggaaminno.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in howsha Hiigsiga 2016-ka ay barbar-socdeen arrimo badan oo ay ka mid yihiin dib u hesiishiin iyo in laga shaqeeyo xoojinta ammaanka dalka. Isagoo yiri. “Howlaha aanu ku hirgelinayno Hiigsiga 2016-ka ee dalka, waxaa garab-socday sugidda amaanka, xoreynta deegaannada ku jira gacanta Al-shabaab, dib u dhiska hay’adaha dowladda, dhismaha ciidamada qalabka sida, dib u heshiisiinta, dib u soo celinta adeegyada bulshada iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah, ujeedkuna ma ahan inaan faahfaahin ka bixinno wax qabadkii muddadii lasoo dhaafay, balse inaan si guud dul-mar ugu sameyno weeye. Waxaynu doonaynaa in sannadka 2016-ka aanu gaarno doorasho, taasina meel wanaagsan ayay noo maraysaa.”

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia wuxuu khudbadiisa ku sheegay in xilligan la haysto waqti badan, loona baahan yahay in laga faa’ideysto muddada dhiman oo aan lagu lumin is-qabqabsi iyo fara isku taag.

“Waxaan doonaynaa inaan walaalaha Soomaaliyeed u sheego, waqtiga aad ayuu inooagu yar yahay, ma haysanno waqti badan, qofku waa ku doodi karaa waqti badan ayaan soo dayacnay, fursado badan ayaan luminay, laakiinse walaalahaas waxaan leenahay maanta waqti kale yaanan ku lumin, muran, dood, is-qabqabsi iyo fara isku-taag-taag, waxaana jeclahay inaan shacabka Soomaaliyeed u sheego inay iyaga yihiin kuwa tashanaysa, isla markaana go’aanka gaaraya, waa lasoo dhaafay xilliyadii qaraaraa ee taladeennu dibadda nooga imaan jirtay, ama aan u doonan jirnay. Maanta waxaan ku tashanaynaa dalkeenna gudahiisa, waxa tashanayana waa Soomaali, iyagana barnaamijyadooda sameysanaya.”

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa ballan-qaaday haddii ay yihiin hoggaanka dalka inay ku dhaqaaqaan fulinta wax walba oo kasoo baxa madasha maanta ka furantay Muqdisho.

“Haddii aynu hogaanka dalkan nahay, waxaanu ballan-qaadaynaa fulinta wixii talooyin ah ee lagu gaaro madashan, wax walba oo madashan kasoo baxaana waa talo Soomaaliyeed, hoggaanka dalkuna waa ku qasban yahay inuu taladaas ku qanco. Haddii aanan ballan-qaadi karayn inaan aqbalno wixii kulankaan kasoo baxana markii horeba ma aanan isku imaanneen,” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn, madaxeynaha Somalia ayaa ka codsay dhammaan xubnaha ka qayb-galaya shirkan in waxyaabo aan madashan la xiriirin aan halkaas looga hadlin oo meelaha kale ee ay ku habboon yihiin looga hadlo.