GLOBAL NEWS

Madaxweyne Xasan oo Shirka Turkiga Maanta ka Jeediyay Khudbad Dhinacyo badan


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa Maanta khudbo dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay shirka Arrimaha Soomaaliya looga Hadlayo ee ka Furmay Turkiga, isagoo sheegay in Somalia ay waddo horumarineed ku socoto, marka la eegto Sannadihii badnaa ee colaadaha uu ku soo jiray dalka.

Xasan Sheekh ayaa si Guud-mar ah uga hadlay Xiriirka ka dhexeeya Waddamada Turkiga iyo Somalia, isagoo Sheegay inuu yahay mid adag, isla markaana uu Rajeynayo inuu intaas kasii adkaado, wuxuuna dhanka kalena ka hadlay doorashooyinka Somalia inay ka dhacaan sannadkan dhammaadkiisa.

“Shirka Somalia loogu qabtay Magaalada Brussels ee xarunta Belgium saddex sano ka hor, Waxaan Beesha Calaamka ka codsanay inay qayb ka qaataan dib u dhiska dalka kaddib 23-sano oo colaado ah, Iyadoo xilligaas uu dalku ka baxay xilligii KMG-ka ahaa,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri Hadalkiisa, isagoo aan Xusin in Beesha Caalamku ay ka soo baxday Ballan-qaadkeeda iyo in kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo xusay in Al-shabaab ay Saddex sano ka hor ahayd Koox khatar weyn ku ah Somalia oo keliya, balse haatan waxaan ognahay inay khatar ku yihiin dalalka ku yaalla gobolka iyo caalamka intiisa kale.

“Waxaan wada ogsoon-nahay in Ciidamada Midowga Afrika ka socda ee AMISOM ay Al-shabaab Deegaanno badan oo ay ka Talinayeen ka saareen, isla markaana ay Awooddoodii dhabarka ku dhuftee, taasoo qayb ka ah horumarka Dowladda FS ay ka sameysay Dhinaca horumarka,” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa isku Weydiiyay Su’aal ahayd, ‘Su’aasha hadda taagan waa maxaa dhici doona? Isagoo ka jawaabay su’aashiisan ayuu mar kale yiri. “Somalia waa dalka keliya Caalamka ee ku guuleystay in uu cadowgiisa jabiya, waana mid aan ku faraxsanahay.”

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Hadalkiisa ku xusay in Soomaali ahaan ay ku heshiiyeen hannaanka loo marayo Doorashada Dalka ka dhici doonta Sannadkan 2016-ka. Isla markaana Doorashada dhici doonta ay tahay Middii ugu Horreysay oo Somalia ka dhacda muddo 47-sano ah.

Ugu dambeyn, Khudbadda uu Shirka Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ka jeediyay ay ahayd mid aad u dheer ayuu ku sheegay Madaxweynuhu inay ka go’an tahay in Somalia ay Sannadkaan ka dhacdo doorasho xalaal ah oo shacabka Soomaaliyeed ay kusoo xulanayaan Ciddii Hoggaamin lahayd muddada xukuumadda hadda jirta ka dambeysa.