GLOBAL NEWS

Madaxweyne Xasan oo 01-da Luulyo Awgeed ubax dhigay taalada Daljirka Daahsoon


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud, ayaa maanta xuska 56 guurada xornimada iyo Midnimada Dalka awgeed ubax dhigay Taallada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh oo ubax dhigga kaddib khudbad u jeediyay kumanaan qof oo goobta isugu yimid, ayaa mar kale shacabka ugu hambalyeeyay xusk Qaran ee Qiimaha leh, isagoo xusay lagama Maarmaannimada Midnimada iyo in laga faa’iideysto mirihii xorriyadda.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu xusay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib u dhis, dhinacyada siyaasadda, amniga , dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee muhiimka, si loo dhiso Somalia cusub oo ka xorrowda khaladaadkii hore u aafeeyay dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa sidooo kale soo hadal qaadey warar beryahan qalabka warbaahinta la isla dhex marayey oo ku saabsan barnaamijka siyaasadda dowladda ee ku aaddan jinsiga ee dhowaan ay xukuumadda meel marisay.

“Beryahaan waxaa jirey warar sheegaya in Culummada ay ka xumaadeen qodobbo ay sheegeen inay ku jiraan Barnaamijka Siyaasadda Jinsiga ama Gender-ka ee Dowladda. Dalkeenna waa dal Muslim ah 100%, sunni ah, hal madhab oo Shaafici ahna haysta. Marnaba suuragal ma ahan in dowladda iyo qof kaleba ay isku dayaan inay waddankan ka dhaqan geliyaan wax ka hor imaanayaa diinta Islaamka. Hadddii ay wax jiraan waxaa wanaagsan in marka hore la hubsado si xaqiiqda loo ogaado intaan warbaahinta la gelin warar aan la hubin,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray in wax lagu farxo ay tahay in golaha Wasiirrada iyo Golaha Culummada Soomaaliyeed ay shalay Kulmeen, iskuna raaceen in la saaro Guddi soo hubiya Dukumiintiga Dowladda ee Siyaasadda Jinsiga, kadibna shacabka loo soo bandhigo natiijada ka soo baxda.

Mar uu ka hadlay Doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan daba-yaaqada sannadkan 2016-ka, ayuu madaxweynuhu wuxuu si gaar ah baaq ugu diray odayaasha-dhaqanka iyo Haweenka Soomaaliyeed.

“Haweenka waxay door weyn ka Qaateen Xornimada iyo Midnimada Dalka, xilligii colaaddana waxay ahaayeen danjireyaashii nabadda raadinayey, isla markaana qoysaska quudinayay. Sidaa awgeed odayada dhaqanka, Waxaan ugu baaqayaa inay garowsadaan muhimada & doorka haweenka ee dhinaca Siyaasadda lana xaqiijiyo inay goleyaasha qaranka ka helaan qoondada 30% ee loo go’aamiyay. Haweenka Soomaaliyeed waxaan iyaguna ugu baaqayaa inay midoobaan, siiba dhinaca siyaasadda, anigoo ku kalsoon inay kaalin weyn ka cayaari karaan dhismaha Soomaaliyada cusub’’.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan uu si guud ugu rajeynayo nabad, horumar iyo barwaaqo taam ah