AF-SOOMAALI

Madaxweyne Xasan iyo Kuwa Maamullada Dalka oo ka Qayb-galay Aaskii Jen. Samatar


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda maamul-goboleedyada Qaar ka mid ah ayaa maanta ka qayb-galay Aas qaran oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistee marxuum Jeneraal Maxamed Cali Samantar oo Madaxweyne Ku-Xigeen ka soo noqdey xukuumaddii militariga ee Somalia.

Aaska ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, madaxweyneyaasha maamulka Jubbaland iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya (Axmed Maxamed Islaam iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan), xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidammada, danjireyaasha waddamada shisheeye, ururrada bulshada iyo qoyska marxuum Samantar.

Sidoo kale, Aaska kaddib ayaa waxaa isla xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga lagu qabtey munaasabad xus iyo duco isugu jirta oo lagu maamuusayey Marxuumka.

“Innaa Lillaahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Marxuum Maxamed Cali Samantar waxaa uu ahaa hoggaamiye muddo dheer waddankan u adeegayey, innagoo ixtiraamkaas iyo Wax-qabadkaas eegeyna ayaan ku maamuusney inaan aaskan heerka qaran ee uu mudan yahay u sameyno. Ciidankeena waxaa uu mar noqdey mid ka mid ah kuwa ugu fiican Afrika, waxaana marag ma doonnto ah in General Samantar uu kaalin weyn ku lahaa dhismaha ciidanka tayadaasi iyo karaamadaas leh ee waddankeena magaca u soo hoyay,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia, ayaa sheegay in Jen. Samantar iyo waxqabadkiisa ay ku baaqi ahaan doonaan taariikhda Soomaaliya, qof walba oo Soomaali ahna uu waajib ka saaran yahay inuu waddankiisa wax u qabto si horumar loogu tallaabsado.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Munaasabaddaasi mid mid ugu gacan-qaaday xubnaha qoyska marxuumka, isagoo marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, iyagan uu samir iyo iimaan Ilaahay ka siiyo.

Ugu dambeyn, Marxuum Maxamed Cali Samantar ayaa xilligii dowladda militariga dalka ka soo noqdey Madaxweyne Ku-Xigeen, Ra’iisul Wasaare , Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka, waxaana uu 19-kii bishan August 2016 ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka