GLOBAL NEWS

Madaxweyne Siilaanyo oo Xilkii ka Qaaday Gudoomiyihii Maxkamada Sare ee Somaliland


Axad, Abriil 19, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay xilkii ka qaaday guddoomiyihiii maxkamadda sare ee Somaliland, Dr. Yuusuf Ismaaciiil Cali.

Silaanyo ayaa xil ka qaadistaasi ku sababeeyey inay cabashooyin badan ka yimaadeen guddidd cadaaladd,isla markaana lagu eedeeyey inuu shaqadiisii ka soo bixi waayey.

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3197/042015 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, isaga oo madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii buuxin lahaa gudoomiyenimada.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.