AF-SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo’’ Waxaan dib u bilaabeynaa wada hadalladii Soomaaliland


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa sidda ugu dhaqsiyaha badan u bilaabi doonto wada hadalladii ay la lahaayeen Soomaaliland.

“Walaalaha Somaliland waxaa u sheegayaa, kalama maarano, waa isu baahanahay, mar uun waa isu soo laaban doonaa, waxaa dib u bilaabi doonaa wada hadaladii”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadkii xoriyada u soo halgamay, iyo madaxdii hore ee Soomaaliya ay ku xusuusan doonaan astaamo kala duwan oo ay ugu magac dari doonaan.

“Waxaa muhiim ah dadkii dhaliyay xoriyadan inaan xusuusano oo aan weyneyno, dowladdu waxay balan qaadeysaa in bilaha soo socda iyo sanadaha soo socda in dadkii halgamayaasha ahaa inay ugu magac darto jidadka iyo dhismayaasha”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhawaan ayeey aheyd markii siddoo kale wasiirka wasaarrada arimaha dibada Soomaaliland Sacad Cali Shire Warbaahinta u sheegay in ay diyaar u yihiin dhinacooda in dib loo bilaabo wada hadallada.

Wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa ku yimid hakad, waxaana wada hadalada oo soo socday tan iyo sanadkii 2012, aan wali laga gaarin wax natiijo ah.