AF-SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo & wafdigiisa oo si diiran loogu soo dhoweeyey Khartuum


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wefdigii uu hoggaaminayey ayaa ka degay garoonka dayuuradaha magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

Waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir iyo xubno ka tirsan golayaashiisa Dowladda.

Safarka madaxweyne Farmaajo oo qaadan doona labo maalmood ayaa salka ku hayo sidii labada dal ay u xoojin lahaayeen xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa lagu wadaa inay ka wada hadlaan arriamah ay ka midka yihiin dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amaanka iyo iyo sidii Dowladda Suudaan ay kaalin uga qaadan lahayad dib u dhiska iyo xasiloonida dalka, iyagoo kala saxiixan doona heshiisyo iskaashi.

Farmaajo ayaa inta uu joogo dalka Suudaan waxaa la filayaa inuu la kulmo Jaaliyadda iyo ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.