AF-SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhaw wareegto uu soo saaray u magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo horay u ahaa Wasiirka Warfaafinta, iyadoo dhamaan xilalka laga qaaday xubnihii hayay xilka Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka.

Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha:-

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo

-Markuu arkay soojeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta;

Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;

Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalkakala ah:

  • Mudane Cabdiraxmaan CumarCismaan (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;

Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;

Hussein Mohamed Nurwaxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad eeMaamulka&Maaliyada;

  • Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta
  • Aadan Sheikh Cali Fidoow waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud
  • Xoghayaha Guud waxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaak Xuseen

Xil ka qaadistan ayaa imaneysa kaddib khilaaf xoogan oo soo kala dhaxgalay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo madaxtooyada Soomaaliya.