AF-SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo xiisada siyaasadeed kala hadlay Wasiirro iyo Xildhibaanno


Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta madaxtooyada Soomaaliya kulan kula qaatay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka kala tirsan labada Gole ee dowladda, isaga oo ka kala hadlay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka, guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Madaxweynaha oo tan iyo markii uu khilaafkan soo ifbaxay aan si toos uga hadlay ayaa kulamo hoose la yeelanaya mas’uuliyiinta ay arintan quseyso, gaar ahaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Xildhibaannada, isaga oo dalbanaya in khilaafka lagu soo afjaro hab sharci waafaqsan, loona baro dariiqa uu qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Waxaa muuqanaya in madaxweynuhu meel iska taagan khilaafka ka dhax dhax aloosan Golaha Fulinta iyo Sharci dajinta, isaga oo dalbanaya in mar walba la ilaaliyo sharciga iyo nidaamka.

Madaxweynaha ayaa horay kulamo arintan ku saabsan ula yeeshay Guddig ka socday Aqalka Sare, Guddi ay iska soo xuleen haweenka xildhibaannada ah ee ku jira Golaha Shacabka, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiye Jawaari iyo xubno kale, wuxuuna dhamaan dhinacydan u xaqiijiyay madaxweynaha mowqifkiisa la xiriira mooshinka.

Xildhibaannadii la kulmay madaxweynaha qaarkood ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in uu kala hadlay oo kaliya in khilaafka taagan lagu dhameeyo hab waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka Baarlamaanka, taasoo muujineysa in dariiqa furan uu yahay kaliya in cod lagu kala baxo.