AF-SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah ula wareegay xafiiska


Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xafiiska, kaddib xaflad kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku soo dhaweeyay madaxweynaha la doortay xafiiska, halkaasi uu si rasmi ah howshiisa uga billaabi doono.

Xaflada la kala wareegidda Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu casuumiyay warbaahinta qeybaheedda kale duwan, waxaana astaanta calanka ka tumay ciidanka bambeyda Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa in 22ka bishan maalinta Arbacada ah todobaadka danbe lagu qabto magaalada Muqdisho munaasabada calleemo saarka madaxweyne Farmaajo oo la filayo in ay ka soo qeyb-gallaan wafuud heer caalami ah.

Ugu danbeyntii, la wareegista xafiiska ee madaxweynaha cusub ayaa ka dhigan in maanta uu si rasmi ah u bilaabayo howlihii shaqo ee Qaranka, madaama tan iyo markii la doortay 8dii bishan uu si KMG ugu sii sugnaa hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.