AF-SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo safar ku tagay degmada Afgooye gobolka Sh/hoose


Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa safar dhulka ah ku tagay goor dhaw degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Safarka madaxweynaha ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dhulka uu sii maro meel ka baxsan magaalada Muqdisho, marka loo eego safarkii ugu dhawaan ku tagay magaalada Baydhabo oo madaxweynuhu uu sii raacay diyaarad.

Waxaa siweyn loo adkeeyay amniga waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ,waxaana subaxnimadii hore ee saakay la xayiray dhamaan dhaqdhaqaaqyada dadka iyo gaadiidka, waxaana hakad ku yimid gaadiidkii labada dhinac isu kala gooshi jiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hada kulan la leh qeybaha kala duwan ee bulshada reer Afgooye, waxaa uu kala hadlayaa xaalada ammaan iyo mid nololeed ee ay qabaan.

Dadka gobolka Shabeellaha hoose ayaa cabasho weyn ka muujinaya isbaarooyin aan tiro laheyn oo yaala inta u dhaxeysa waddada xiriira Muqdisho ilaa laga gaarayo degmda Wanlaweyn, taasoo caqabad ku ah isku socodka dadka iyo gadiidka.

Sidoo kale safarka madaxweynaha ayaa imanaya xili labo cisho ka hor gobollka Shabeellaha hoose uu dagaal ku dhaxmaray ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwo Mareykanka ah xooggga ururka Al-shabaab waxaana dagaalkaa lagu dilay askari Mareykanka ah, halka dowladda Soomaaliya dhinaceeda ay sheegatay in ay dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.