AF-SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo Qaahira kula kulmay Madaxweynihii hore ee Somalia


Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo booqasho ku jooga magaalada Qaahira ee Caasimada dalka Masar ayaa halkaasi kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Kulankan oo ahaa mid iswareysi ah ayaa Madaxweynaha Soomaaliya uga waramay Madaxweynihii hore ee dowlada Somalia xaalada dalka uu hada ku sugan yahay, waxa ayna labada dhinac is dhaafsadeen talooyin muhiim ah.

War kooban oo kasoo baxay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka Madaxweyne Farmaajo la qaatay Dr C/Qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu ahaa mid muhiim ah uu Madaxweynaha wax kaga kororsaday marxaladihii dalka soo maray.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr C/Qaasim Salaad Xasan ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa uu kunoolaa magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, waxa uuna marar badan C/Qaasim uu talooyin wax ku ool ah siiyay dowladihii ugu dambeeyay ee dalka soo maray.

Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Qaahir ayaa la filayaa in kulan la qaataan Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool magaalada Qaahira, waxaana Madaxweynaha uga warbixin doonaa Jaaliyada Xaalada uu xiligan dalku ku sugan yahay iyo guulaha ay dowladu gaartay.