AF-SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay damaashaad u tagay xeebta Liido


Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta booqday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho halkaasoo uu kula damaashaaday dadweyne ku sugnaa.

Farmaajo oo ay hareero socdeen masuuliyiin ka tirsan dowlada iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada ayaa socod ku maray xeebta Liido isagoo Maqaayad halkaas ku taalla ka qaxweeyey, shacab fadhiyeyna la sheekeystay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kaftamay dhalinyaro kubad ku ciyaareysay xeebta Liido, isagoo Kubada si kooban ugu ciyaaray, waana markii ugu horeysay ee Madaxweyne Farmaajo lagu arko goobaha bulshadu isugu timaado tan iyo markii xilka loo doortay lix bilood ka hor.