AF-SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay guddiga Taakuleynta ciidamada


Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddiga Qaran oo Taakuleynta Ciidamada, kaddib munaasabad xalay ka dhacday dugsiga tababarka booliiska ee Gen. Kaahiye, kaa soo dhaqaale loogu uruurinayay ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay guddoomiyaha guddiga Taakuleynta ciidamada Jen, Jaamac Maxamed Qaalib, halka guddoomiye kuxigeen uu ka dhigay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha aqalka sare, wasiiro, xildhibaano, taliyeyaasha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la taageero ciidamada qalabka sida, isagoo xusay in ciidamada ay har iyo habeyn difaac ugu jiraan Qaranimada Soomaaliya.

Intii munaasabada socotay ayaa waxaa la uruuriyay lacago deeq ah oo loogu talagalay ciidamada qalabka sida, waxaana dadkii lacagahaas ku yaboohay ka mid ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo sheegay in guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ay ku yabooheen lacag dhan 8-kun oo doolar.

Barnaamijka Taakuleynta ciidamada ayaa qeyb ka ah qorshe la doonayo in mushaar joogta ah u helaan ciidamada, iyadoo la sameeyay Akoon u gaar ah guddiga.