GLOBAL NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo maanta furaya kalfadhiga labaad ee baarlamaanka Soomaaliya


Waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in uu ka furmo xarunta gollaha shacabka Kalfadhigii Labaad ee baarlamaanka 10ad ee Soomaaliya, waxaana munaasabada furitaanka khubad ka jeedin doona madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xoghayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Buux ayaa warbaahinta u sheegay in maanta oo Sabti ah u furmayo Kalfadhiga Labaad ee baarlamaanka federaalka oo bilihii ugu danbeeyayba fasax ku maqnaa.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo todobaadyadii ugu danbeeyay ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa dib ugu soo laabtay dalka, isaga oo maanta goob joog u noqon doona furitaanka Kalfadhiga Labaad ee Aqalka hoose.

Waxaa siweyn loo adkeeyay amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho gaar ahaan xarunta gollaha shacabka oo la xiray dhamaanba jidadka soo galla.