AF-SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan gaar ah la qaatay Boqor Cabdalaha Labaad


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah kula qaatay Magaalada Camaan Boqorka dalka Jordan Boqor Cabdalaha Labaad, kadib markii uu soo dhamaaday kulankii Madaxda Jaamacada Carabta ee dalkaasi lagu qabtay.

Kulanka dhax maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Boqorka Jordan ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka ka dhaxeeya labada Dowladood, waxa ayna isla garteen labada Masuul in lasii xoojiyo xariirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyay labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa ka codsaday Boqorka dalka Jordan in uu taageero dowlada cusub sidoo kale gacan ka geesato dowladiisa gurmadka loo sameenayo dadka ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya ku dhuftay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo la qaatay madax katirsan Jaamacada Carabta ay kawada hadleen xoojin xariirka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo in ay taageero weyn siiyaan dowlada cusub.