AF-SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho


Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib safar labo cisho ah uu ku joogay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo uu martiqaad rasmi ah ka helay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis.

Madaxweynaha ayaa markii uu ka soo degay diyaaradii keentay garoonka diyaaradaha Aadan cadde waxaa soo dhoweyay xubno ka tirsan xafiiska Madaxtooyada iyo Xildhibaano dhowr ah oo uu kula kulmay qeybta VIB-da Garoonka diyaaradaha.

Intaas kaddib ayaa Madaxweynaha loo galbiyay xarunta Madaxtooyada, halkaasoo lagu wado inuu wariyeyaasha kula hadlo.

Madaxweynaha ayaa farkan oo ku tagay dalka Sacudiga waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu dalka uga anbabaxo tan iyo markii la doortay.