AF-SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo booqosho rasmi ku jooga boqortooyada Sacuudiga


Madaxwaynaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo wuxuu caasumaad rasmi ah ka helay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis Aala Sucuud.

Madaxwaynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Riyaad kusoo dhaweeyay Amiirka Riyaad, Amiir Faysal Bin Bandar Ibnu Cabdicasiis,Safiirka Soomaaliya ee Sucuudiga Daahir Maxamuud Geelle,wasiirka arrimaha dibadda DFS mudane Cabdisalaan Hadliye iyo diplomaasiyiin safaarada ka tirsan

Madaxwayne Farmaajo iyo Boqorka Sucuudiga Salmaan waxay cutubyo ciidanka qaranka Sucuudiga ka tirsan salaan sharaf uga qaateen madaxtooyadda.

Ka hor inta uusan madaxwaynaha kullan gaar ah la qaadan Boqorka Sucuudiga wuxuu la kulmay dhaxal sugaha koowaad ee Boqortooyadda Amiir Maxamed Binu Naa’if,intaa kaddibna waxaa loo sameeyay wafdiga madaxwaynaha qado rasmi ah oo ay kasoo qayb galeen Gollayaasha wasiiradda iyo Baarlamaanka Sucuudiga.

Madaxwayne Maxamed Cabdilaahi wuxuu kaddib kullan gaar ah la qaatay Boqorka Sucuudiga, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal,dhaqaalaha,amniga iyo arrimaha siyaasadda.

Caasumaddan waxay ka dhacdey Qasriga la dhaho Al-Yamaama, waxaa kaloo xusid muddan in magalada la suray calanka Soomaaliya kaasoo uu agtiisa ka ba’banayo kan Sucuudiga.

Weli waxaa socda kulamada uu madaxwaynaha la lee yahay madaxda ugu saraysa Boqortooyada, waa safarkiisii koowaad inta uu madaxwaynaha noqday.