AF-SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo booqday Wasaarada Gaashaandhiga lana kulmay Saraakiisha Ciidanka


Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta booqday xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.

Cutubyo katirsan ciidanka Xooga Soomaaliya ayuu salaan sharaf Madaxweynaha kaga qaatay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga, waxa uuna Madaxweynaha xiligaa kadib kormeeray qeybo kamid ah Wasaarada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xarunta Wasaarada Gaashaandhiga kulan kula qaatay Saraakiisha Milatariga Soomaaliya, waxa uuna kala hadlay abaabulka dagaal ee socda iyo diyaar garowga ciidanka Xooga Soomaaliya ugu jiraan howlgal ka dhan ah Al Sabaab.

Saraakiiisha ciidanka Xooga Soomaaliya ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha diyaar garowga ay ku jiraan Ciidanka Xooga Soomaaliyeed, waxa ayna Saraakiisha u sheegeen Madaxweynaha in la diyaariyay ciidankii loogu tala galay howlgalka.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyay Saraakiisha iyo ciidanka Xooga Soomaaliyeed ee ku sugan Wasaarada Gaashaandhiga, waxa uuna Madxaweynaha ku bogaadiyay in ay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.