AF-SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Abiy oo gaaray heshiis dhinacyo badan taabanaya


Booqasho aan la sii shaacin ayuu subaxnimadii hore ee saakay ku yimid magaalada Muqdisho ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulan albaabada u xirnaayeen oo ay galleen labada mas’uul ayeey ugu danbeyntii warbaahinta la wadaageen qodob dhowr ah oo ay ku heshiiyeen, waxaana qodobada xitaa ku jira in labada dal yeeshaan is-dhaxgal bulsho.

Laakiin heshiiskan ayaa marka la eego waxaa ugu xasaasisanaa in labada dowladood isku afgarteen maalgashiga ilaa Afar dekedood iyo dhismaha Wadooyin Laami ah.

Itoobiya waxaa ay horay qeyb uga aheyd heshiiskii muranka badan dhaliyay ee shirkadda DPWorld kula wareegtay dekedda Berbera, waxaana heshiiskaa si cad ugu gacan –seyrtay dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa amaanay dadaalka ciidamadda nabad illaalinta Afrika ee AMISOM oo ay qeyb ka yihiin ciidamada Itoobiya isaga oo yiri”Anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda,waxaan kugu soo dhaweynaya Soomaaliya,Soomaaliya iyo Itoobiya,waxay wadagana taariikh,dhaqan,booqashadaada maanta waxay xoojinaysa xiriirka naga dhexeeya,majiraan wax kala qeybin kale walaaltinimada labada dal,waa waajib ina saran in aan xaqiijinayo nabadda iyo horumarka labada dal,iyadoo loo marayo kobada dhaqaale iskaashi bulsho,waxaan doonayaa in aan halkani ugu mahadceliyo ciidamada militariga ee dalkaaga sida ay naftooda inoogu hureen in ay Soomaaliya ka caawiyaan ka hortaga cadowga Alshabaab oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Qodobka 12-aad ee heshiiska ayaa sidoo kale xusayay in labada dal ay si buuxdo ugu heshiiyeen in midba midka kale uu xushmeeyo madaxbanaanida, qaranimada iyo xornimada siyaasadeed ee dalalkan. Iyada oo sidoo kale ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa midnimada Soomaaliya.

Marka aad u sii fiirsato qodobada ku jira heshiiska waxaa kuu muqanaya in uu ahaa mid kol horeba laga sii shaqeeyay, laakiin shirka jaraa’id ee labada Hogaamiye lagu tilmaami karo oo kaliya bandhigga heshiiska.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa horay u booqday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wafdiga ra’iisal wasaare Abiy ayaa isla maantaba dib ugu laabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.