AF-SOOMAALI

Madaxweyne Cosoble” Hiiraan wey ku dulman tahay saami -qeybsiga aqalka sare


Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hiirshabeelle Cali C/llaahi Cosbole oo habeennimadii xalay ku dhawaaqay liiska xubnaha musharixiinta aqalka sare ee maamulkiisa, ayaa sheegay in gobolka Hiiraan ku dulman yahay marka la eego saami-qeybsiga xubnaha aqalka sare.

”Gobolka Hiiraan oo marka la eego 1960 gobol ahaan, waxaan u ragnaa saamiga uu ka hellay xubnaha aqalka sare ee Afarta xubnood ee lagu dulmiyay, waana arinta ay muddo dheer ka qeyblinayaan bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Laakiin Cosoble ayaa sheegay in loo baahan yahay tanaasulaan, si looga wadda shaqeeyo hormarka dalka, iyo dib u dhiskiisa intaba.

Hadalka ka soo yeeray madaxweynaha maamulka Hirshabeele, ayaa marar badan oo hore waxaa ku cel celiyay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo sheegay in labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe saami isla eg ku yeellan karin aqalka sare ee dalka.

Maalinta berri ah ayaa lagu waddaa in magaalada Jowhar lagu qabto doorashada xubnaha aqalka sare ee dalka oo ku tartami doonaan 21 xubnood sideedda kursiga loo qoondeeyay maamulka.