GLOBAL NEWS

Madaxweyne: Axmed maxamed islaam oo Kormeeray Xarumo kala Duwan oo Magaalada Kismaayo ku yaala


Madaxweynaha Dawlada Jubbaland Mudane Axmed maxamed islaam Ayaa saaka waxaa uu Kormeer ku tagay Xarumo kala Duwan oo ku yaala Magaalada Kismaayo.

Xarumaha uu Madaxweynahu booqday waxaa kamid ah Xarunta Wasaarada Maaliyada Dhismaha Qaybta ganacsiga Ee Bangiga dhexe Ee Jubbaland Xarunta Dawlada Hoose Ee Kismaayo iyo Xarumo Dawli ah oo Dhawaan laga Saray dadkii Daganaa.

Madaxweynaha Ayaa waxaa uu Xarumahaas kala Duwan kulamo kula Qaatay Masuuliyiinta kala Duwan waxaana uu kala Hadlay sidii loo Xoojin lahaa Hawlaha shaqo Ee Loogu Adeegayo Bulshada.

Dhawrkii Biloodba mar ayuu Madaxweynahu kormeer Aan Horay loosiii shaacin ku tagaa Xarumo kala Duwan oo Magaalada kamid ah waxaana Kormeerka Maanta ku Wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka labaad Gudoomiyaha Baarlamaanka Gudoomiyaha Degmada Kismaayo iyo Xildhibaano Dawlada Jubbaland Katirsan.