GLOBAL NEWS

Madaxweyne Axmed Madoobe o logu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo


Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe iyo Wafdi uu hogaaminaayay ayaa maanta ka dagay garoonka magaalada Kismaayo ee maamulka Jubaland.

Madaxweynaha maamulka ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxwayne ku xigeenka Koowaad ee Jubaland C/laahi Sheekh Ismaaciil fartaag, qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Jubaland iyo Wasiiro hore, waxaana salaam iyo soo dhawayn ka dib Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay warbaahinta kula hadleen qaybta nasashada ee garoonka.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Socdaal shaqo uu ku gaaray dalalka Itoobiya iyo Kenya waxa uuna sheegay in mudadii uu halkaasi ku sugnaa uu madaxda Dowladahaasi kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay Shirka wadatashiga ee la filaayo in dhawaan uu ka furmo magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in dhamaan kulamadii uu la qaatay madaxda dalalkaasi ay kusoo dhamaaden guul.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale sheegay in madaxda dalalkaasi uu kala hadlay iskaashi dhanka amaanka, Siyaasada iyo isla socodka, waxa uuna rajo ka muujiyay in Dowladahaasi ay kaalin ka geysan doonaan shirka la filaayo inuu ka furmo magaalada Kismaayo.